Currently Empty: $0.00



Yaanu Nahay?
Wax badan ayaad naga baran doontaa
Kulmiye Academy waa madal waxbarasho oo dijitaal ah oo diiradda saarta kobcinta xirfadaha casriga ah ee suuqa shaqada maanta looga baahan yahay. Waxaan bixinaa tababaro online ah oo tayo sare leh, kuwaas oo loogu talagalay in ay ardayda ka caawiyaan inay bartaan xirfado wax ku ool ah, u gudbaan heerar shaqo oo cusub, una furmaan fursado nololeed oo horumar leh.
- Xirfad Aqoon ku dhisay
- Guul adkeysi ku timid
- Gacmo iskood wax u qabsaday
1,000+
Ardayda diiwaansan
10+
Fasalada Tooska
100+
Casharada
200+
Total Categories
Waxaan Awoodnaa in Saacadii aan Hal mar wax barno arday ka badan 100 qof
01
Himilooyinka
Himilooyinka Kulmiye Academy waa in aan abuurno bulsho xirfad leh oo awood u leh inay ka faa’iidaysato fursadaha dijitaalka ah ee maanta jira. Waxaan doonaynaa in qof walba uu helo aqoon casri ah, xirfado wax ku ool ah, iyo waddo sahlan oo uu ku gaari karo mustaqbal wanaagsan.
02
Hadafkayaga
Hadafkayaga waa inaan bixino waxbarasho dijitaal ah oo tayo leh, oo dadka ka caawisa inay helaan xirfado casri ah, kobciyaan shaqadooda, isla markaana furaan fursado cusub oo horumar iyo guul leh.
03
Mabda’a
Mabda’a Kulmiye Academy wuxuu ku dhisan yahay in waxbarashada casriga ahi ay noqoto mid la gaari karo, la fahmi karo, oo wax ku ool ah. Waxaan aaminsanahay in barashada xirfadaha dhabtaa ay qof walba siin karto awood uu noloshiisa iyo mustaqbalkiisa ku beddelo.



